Galmudug oo loo gacan-geliyey dad loo karan-tiilay fayruska Corona

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga ka hortaga faafitaanka Coronavirus ee Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay Galmudug ku wareejiyeen todoba qof oo si ku meelgaar ah loogu karan-tiilay magaalada Garowe.

Shaqsiyaadkaas ayaa kamid ahaa toban qof oo kasoo gudbay xadka Somaliland. Saddex kale waxaa la sheegay in ay Garowe ku dhameysan doonan muddo huuriska xanuunka.

Sidda ku xusan qoraalka kasoo baxay guddiga, todobada qof ayaa maamulka uu hogaamiyo Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] lagu wareejiyay 1-dii bishaan April, sanadka 2020.

Dhanka kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in degaanada Puntland uusan ka jirin kiis la xiriira cudurkaas. Si lamid ah, waxay sheegeen in aysan shalay diiwaan-gelin kiisas cusub.

Shacabka Puntland ayay cod dheer ugu booriyeen in ay u hogaan-samaan dhamaan amarada kasoo baxay xukuumadda ee lagu xakameynayo fayruskaas safmareenka ah.

Sidoo kale, waxay dadweynaha ku sugan gudaha waddanka iyo dibaddiisa ku tartarsiiyeen in ay ka qeyb-qaataan Sanduuqa Taakulada iyo Ololaha ka hortaga Covid-19.

Warbixinta kasoo baxday guddiga ayaa qeyb ka ah howlaha maalinlaha ah oo ay qabanayaan illaa iyo dunida oo dhan laga ciribtirayo Coronavirus oo dunida oo dhan ku galaaftey in ka badan 40-kun oo ruux.

Hoos ka akhriso warbixinta guddiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM