​Galmudug oo soo afjartay dagaalka firxadka Shabaab

Image

Maamulka Galmudug ayaa shaaciyay inay soo afjareen dagaalka dhawr maalin qaatay oo ay la galeen mallayshiyaad firxad ah oo dhawaan kasoo cararay dagaal kharaar oo ay la galeen ciidamada difaaca Puntland.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa xaqiijiyay in howlgalkaasi ku guulaysteen islamarkaana deegaanada Bariga maamulkaasi dhaca ka sifeeyeen haraadiga kooxdaasi katirsan Shabaab.

Guuleed oo la hadlay VOA, wuxuu sheegay in dagaalkaasi lagu dilay 115 ruux islamarkaana tiro gaaraysa 110 qof maxbuus ahaan usoo qabteen, wuxuuna carrabka ku adkeeyay inay hadda ku raad joogaan kooxo yar oo baadiyaha ku dhuumaalaysanaysa.

Madaxweynuhu wuxuu cadeeyay in dhankooda ka dhintay hal Sarkaal, dhaawucuna gaarayo ilaa 7 askari.

Mallayshiyaadka ay dagaalka la galeen ayuu sheegay in ujeedkoodu yahay qaabkii loo carqaladayn lahaa ammaanka ay haystaan maamullada Puntland iyo Galmudug, wuxuuna ciidamada deegaanadooda soo gaaray ku qiyaasay ilaa 300 oo askari kuwaasi oo da'doodu u dhaxayso 20 ilaa 40, isagoo sheegay inay marsiin doonaan sharciga.

Maamulka Puntland ayuu tilmaamay in arrimahan ku aadan Shabaab xiriir wanaagsan yeesheen, wuxuuna xusay in kooxahani u naxariisanayn umadda Somaliyeed.

Galmudug, ayaa dagaalkan gashay kadib markii deegaanada maamulkaasi galeen haraadiga koox katirsan Shabaab oo doonyo kusoo galay Puntland, kuwaasi oo la kulmay weeraro kharaar oo ka dhacay Nugal iyo Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM