Ganacsade ku deeqay markab lagu soo qaadayo qaxootiga Yemen

Image

May 25, 2015 (GO)- Ganacsade Soomaali ah ayaa ku deeqay markab loogu talo galay inuu soo daad gureeyo qaxootiga Soomaalida ee ku xanniban dagaallada ka socda dalka Yemen.

Cabdi Cali oo ah mulkiilaha shirkad kireysa maraakiibta xammuulka ayaa sheegay in markii uu arkey dhibka  haysta qaxootiga uu go'aan ku gaarey inuu ka qayb qaato gurmadka.

"waxan go'aansadey maadaama aan kamid ahayd ganacsatada Soomaalida ee maraakiibta leh inaan diro markabkii ugu horreeyey oo aan albaabka u furo dadka khayrka jecel" ayuu yiri.

Dowladda Federaalka oo sheegtay inay maraakiib soo qaada qaxootiga u diri doonto Yemen ayaan ilaa iyo hadda wax tallaabo ah qaadin.

Shalay ayey ahayd markii maamulka Somaliland sheegtay inaysan hadda kadib qaabili doonin qaxootiga ka imaanaya Yemen, arrintaasoo caqabad ku noqon doonta maareynta qaxootiga maadaama culeyskoodu usoo weecan doono dhanka Bosaso.

Dadweynaha Puntland ayaa isu xil qaamey sidii ay ugu gurman lahaayeen walaalahooda soo qaxay, waxaana xusid mudan in laga soo bilaabo bishii April ay dadweynaha Puntland ku deeqeen lacag kor u dhaafeysa boqol iyo konton kun oo doollar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM