​Garaad caan ahaa oo Geeriyooday

Image

Waxaa dalka Sweden ku geeriyooday AHN Garaad Abshir Garaad Saalax oo kamid ahaa waxgaradka kasoo jeeda gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn, wuxuuna geeriyooday isagoo jira da'da 82.

Garaadka ayaa u geeriyooday xanuun in muddo ah hayay, isagoo dunida uga tagay 32 ruux oo isugu jira ubadkiisa iyo kuwo ay dhaleen.

Madaxweynaha Somaliland, Siyaasiyiin, Isimo, Garaado iyo Cuqaal ayaa diray tacsi ku aadan geerida ku timi marxuumka oo aad looga yaqaanay geyiga Somalida islamarkaana doorweyn kasoo qaatay nabadayn colaado dhacay.

AHN Garaad Saalax Abshir ayaa saldanada Garaadnimo hayay in kabadan 20 sano isagoo intii ka horaysay waqtigaasina kamid ahaa dowladdii Maxamed Siyaasad Barre oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada Booliiska.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM