Garissa: Al-shabaab oo dishey 20 askari oo Kenyan ah

Image

May 26, 2015 (GO)- Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa weerar qorsheysan oo saaka aroortii Al-shabaab la beegsatey kolonyo ka tirsan ciidamada booliska Kenya oo marayey deegaanka Faafi kuna sii jeedey tuulada Yuumbis.

Af-hayeenka ciidamada Al-shabaab Cabdicasiis Abu-muscab ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters inay weerarkaas ku dileen 20 askari, dhowr askari oo kalena ay ku dileen qarax ka dhashay miino wadada dhinaceeda lagu aasay.

" dhammaan hubkoodii waan qaadanay. Waxaa jirey tiro ka tirsan ciidamada Kenya oo baxsaday" ayuu yiri isagoo intaas raaciyey inay gubeen shan gaari oo ciidamadaasi wateen.

Dhanka kale af-hayeen u hadlay ciidamada Kenya ayaa xaqiijiyey in weerarkaas 20 askari lagu diley.

Ciidamada la weeraray  ayaa kusii jeeday tuulada Yuumbis, halkaasoo dhowr maalmood kahor dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsani muddo kooban la wareegeen dadkana ugu khudbeeyeen.

Weerar bishii April ee lasoo dhaafay ka dhacay jaamacadda degmada Garissa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari Kenya waxaa lagu diley 148 qof oo u badnaa ardey.

Mas'uuliyadda weerarkaas waxaa sheegtay ururka Al-shabaab oo ku gooddiyey inuu sii wadi doono weerarrada inta ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM kasoo baxayaan Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM