Garissa: Al-shabaab oo dishey 20 askari oo Kenyan ah

Image

May 26, 2015 (GO)- Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa weerar qorsheysan oo saaka aroortii Al-shabaab la beegsatey kolonyo ka tirsan ciidamada booliska Kenya oo marayey deegaanka Faafi kuna sii jeedey tuulada Yuumbis.

Af-hayeenka ciidamada Al-shabaab Cabdicasiis Abu-muscab ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters inay weerarkaas ku dileen 20 askari, dhowr askari oo kalena ay ku dileen qarax ka dhashay miino wadada dhinaceeda lagu aasay.

" dhammaan hubkoodii waan qaadanay. Waxaa jirey tiro ka tirsan ciidamada Kenya oo baxsaday" ayuu yiri isagoo intaas raaciyey inay gubeen shan gaari oo ciidamadaasi wateen.

Dhanka kale af-hayeen u hadlay ciidamada Kenya ayaa xaqiijiyey in weerarkaas 20 askari lagu diley.

Ciidamada la weeraray  ayaa kusii jeeday tuulada Yuumbis, halkaasoo dhowr maalmood kahor dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsani muddo kooban la wareegeen dadkana ugu khudbeeyeen.

Weerar bishii April ee lasoo dhaafay ka dhacay jaamacadda degmada Garissa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari Kenya waxaa lagu diley 148 qof oo u badnaa ardey.

Mas'uuliyadda weerarkaas waxaa sheegtay ururka Al-shabaab oo ku gooddiyey inuu sii wadi doono weerarrada inta ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM kasoo baxayaan Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM