Shacabka Puntland oo ciiday [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

24 September, 2015(GO)-Boqolaal dadweyne iyo madax si qurux badan u soo labistay ayaa ku ciiday garoonka kubadda cagta Mire Awaare ee magalada Garowe.

Ku-xigeenka madaxweynaha Puntland, Madaxweyne Farole, masuuliyiin ka socday golayaasha dowladda, shacanka qaybihiisa kala duwan ayaa salaadda ciidul Adxa ku tukaday garoonkaasi.

Mas'uuliyiin kala duwan ayaa shacabka la hadlay, waxayna sheegeen in loo bahanyahay sidii loo weynayn lahaa maalinta fadliga badan, halka kuwa kalena ku baaqeen daminta colaadda ka socota qaybo ka mid ah deeganada Puntland.

Magalada Garowe ayaa laga dareemayaa Fantasiyaha maalinta iyadoo suuqyada lagu arkayo bulshada qaybaheeda kala duwan oo damaashaad iyo qaraabo salaam ku jira.

Qaybo badan oo ka mid ah dunida Muslimka ayaa sidaan oo kale maanta looga ciiday.

Maamulka iyo Shaqaalaha warsidaha Garowe Online ayaa dhammaan umadda Somaliyeed iyo muslimiinta meel kasta oo ay joogan la wadaagaya hambalyada ciidul Adxa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Diyaaradda Somali Airlines oo dib u howlgelin doonta dhamaadka sanadkan 33 sano kadib

Wasiir Nuux ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay qorshayaal ballaaran oo lagu horumarinayo Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    27-10-2025

  • 07:21AM

Soomaaliya iyo Itoobiya oo wadahadallo yeeshay si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah

Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminayay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

  • Soomaliya

    27-10-2025

  • 06:33AM