Shacabka Puntland oo ciiday [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

24 September, 2015(GO)-Boqolaal dadweyne iyo madax si qurux badan u soo labistay ayaa ku ciiday garoonka kubadda cagta Mire Awaare ee magalada Garowe.

Ku-xigeenka madaxweynaha Puntland, Madaxweyne Farole, masuuliyiin ka socday golayaasha dowladda, shacanka qaybihiisa kala duwan ayaa salaadda ciidul Adxa ku tukaday garoonkaasi.

Mas'uuliyiin kala duwan ayaa shacabka la hadlay, waxayna sheegeen in loo bahanyahay sidii loo weynayn lahaa maalinta fadliga badan, halka kuwa kalena ku baaqeen daminta colaadda ka socota qaybo ka mid ah deeganada Puntland.

Magalada Garowe ayaa laga dareemayaa Fantasiyaha maalinta iyadoo suuqyada lagu arkayo bulshada qaybaheeda kala duwan oo damaashaad iyo qaraabo salaam ku jira.

Qaybo badan oo ka mid ah dunida Muslimka ayaa sidaan oo kale maanta looga ciiday.

Maamulka iyo Shaqaalaha warsidaha Garowe Online ayaa dhammaan umadda Somaliyeed iyo muslimiinta meel kasta oo ay joogan la wadaagaya hambalyada ciidul Adxa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM