Gedo: Al-shabaab oo weerar ku qaadey xarun ciidan

Image

22 August, 2015 (GO)- Kooxda Al-shabaab oo weerar ku qaadday magaalo ku taalla xadka Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaan gobolka Gedo oo lagu magacaabo Geriley ayaa waxay halkaasi ku dileen taliyihii ciidanka Soomaaliya ee deegaankaasi, oo lagu magacaabay Xawaadlow waxayna gubeen gaadiid kala duwan kahor intaysan isaga bixin deegaankaasi.

Goob joogayaasha waxay sheegayaan in saqdii dhexe ee xalay abbaare 2.00 am ay  kooxo hubaysan weerar kusoo qaadeen Geriley, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kulul oo socday ilaa waabarigii , waxana halkaasi looga xoog roonaaday ciidankii dawladda ee halkaasi joogay.

Dablaydii soo weerar  tagtay ayaa halkaasi isaga baxday kadib markii halkaasi kala tageen gaadiid kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM