Gedo: sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo duqeyn lagu diley

Image

March 12, 2015 (GO)- Sarkaal ka tirsanaa hoggaanka Al-shabaab oo lagu magacaabi jirey Aadan Garaar ayaa lagu diley duqeyn dhanka cirka ah oo galabta ka dhacdey duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Gaari yar oo sarkaalkaas iyo nin kale la socdeen ayaa diyaarad nooca bilaa duuliyaha ahi dhowr gantaal la heshay xilli uu marayey deegaanka Aqabuul oo qiyaastii 40km degmada Baardheere dhanka bariga kaga beegan.

Sarkaalka duqeynta lugu diley ayaa ka tirsanaa qaybta amniyaadka ee Al-shabaab, wuxuuna kamid ahaa xubnaha ugu firfircoon.

Dowlada Maraykanka ayaa bilihii u dambeeyey kordhisey duqeymaha ay ka geysaneyso dalka Soomaaliya.

September 1, 2014 duqeyn Maraykanku ka geystey deegaanka Haawaay oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxaa lagu diley hoggaamiyihii hore ee Al-shabab Axmed Cabdi Godane. 

December 29, 2014 duqeyn kale oo diyaaradaha Maraykanku ka fuliyeen deegaanka Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaa lagu diley labo sarkaal oo ka tirsanaa hoggaanka ururka Al-shabaab.  Labada nin midkood waxaa lagu magacaabi jirey Cabdinaasir Xasan Barakow Tahliil.

Jan 31, 2015 duqeyn ka dhacday deegaan dhanka bariga kaga beegan degmada Diinsoor ee gobolka Bay waxaa lagu diley sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu magacaabi jirey Yuusuf Dheeg. Ninkaasi sida la sheegay wuxuu ahaa madaxa sirdoonka iyo hawlgallada gudaha ee Al-shabab.

Dowladda Federaalka ayaa dhowaan shaacisey in ay markii ugu horreysey adeegsan doonto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay ula dagaalanto Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM