​Go'aamo kasoo baxay shirka madaxda Somalida [Akhriso]

Image

MUQDISHU- Waxaa goordhaweyd lasoo gaba gabeeyay shir 9-11 April madaxda Somalida uga socda magalada Muqdishu xarunta Somalia, kaasoo looga hadlayay qaabka loo wajahayo marxaladda kala guurka ah gaar ahaan doorashada Somalia ka dhacaysa 2016, siyaasadda amniga iyo dhismaha labada aqal.

Go'aamo kasoo baxay shirkaasi ayaa lagu sheegay in la dhisi doono labo guddi oo kala ah; Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer qaran iyo guddiiga doorashooyinka heer maamul goboleed.

Labada Guddi ayaa ka koobnaan doona min 17 iyo 11 xubnood, Guddiga hirgelinta doorashada heer qaran ayaa noqon doona 17 xubnood, kuwaasoo shan kamid ah dowladda Federaalka soo magacaabi doonto, halka maamul goboleedyada ka imaan doonaan min labo xubnood.

Waxaa sidoo kale madasha lagu cadeeyay in doorashada Somalia dhici doonto September, 2016 islamarkaana aqalka sare dhismihiisu ka hormari doono doorashada Somalia

Hoos ka akhriso Warmur-tiyeedka shirka kasoo baxay oo faah faahsan

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM