Gobolka Mudug oo ka hadley Shilin Somali Faalso ah [Akhri]

Image

23 August,2015 (GO)- Maamulka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa soo saaray warqad amar ah oo ganacsata lagu amarayo inay iska ilaaliyaan lacago faliso ah oo lasoo galiyey gobolka.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur ayaa warbaahinta maanta gaarsiiyey warqadaasi cadaynaysa inay jiraan lacago faaliso ah oo laga soo galiyey gobolka Mudug dhanka Koonfurta Soomaliya gaar ahaana Cadaado ayuu sheegay sarkaalkaan.

Dowlada Puntland ayaa qorsheyneysa in dhowaan suuqa soo galiso lacago ay ku daabacdey xarunta Bangiga dhexe ee magaalada Bosaso, lacagtaas o la sheegey in mushahar lagu siinayo shaqaalaha dowlada iyo ciidamada.

Lacagahaan Shillin Somaliga ee la daabaco ayaa soo kordhineysa sicir barar ku dhaca suuqa lacagha iyadoo talabadaan la rumeysan yahay iney hordhac u tahay qorshaha dowlada Puntland ku damacsan lney lacag leedahay soo galiso suuqayada.

Warbxin ayaa warsidaha Garowe Online horey uga qorey qorshaha madaxwenaha dowlada Puntland ku damacsan yahay in lacago Shilin Somali ah oo lagu daabacey gudaha Puntland suuqa dhowaan soo gali doonaan iyadoo la sheegey in mushar lagu siin doono shaqaalaha dowlada. Halkan ka akhri warbixintaan

Qoraal maamulka gobolka Mudug kasoo saarey lacagaha Shilin Somaliga falsada ah ee kaga yimid gobolo kale hoos ka akhri.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM