Gobolka Mudug oo ka hadley Shilin Somali Faalso ah [Akhri]

Image

23 August,2015 (GO)- Maamulka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa soo saaray warqad amar ah oo ganacsata lagu amarayo inay iska ilaaliyaan lacago faliso ah oo lasoo galiyey gobolka.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur ayaa warbaahinta maanta gaarsiiyey warqadaasi cadaynaysa inay jiraan lacago faaliso ah oo laga soo galiyey gobolka Mudug dhanka Koonfurta Soomaliya gaar ahaana Cadaado ayuu sheegay sarkaalkaan.

Dowlada Puntland ayaa qorsheyneysa in dhowaan suuqa soo galiso lacago ay ku daabacdey xarunta Bangiga dhexe ee magaalada Bosaso, lacagtaas o la sheegey in mushahar lagu siinayo shaqaalaha dowlada iyo ciidamada.

Lacagahaan Shillin Somaliga ee la daabaco ayaa soo kordhineysa sicir barar ku dhaca suuqa lacagha iyadoo talabadaan la rumeysan yahay iney hordhac u tahay qorshaha dowlada Puntland ku damacsan lney lacag leedahay soo galiso suuqayada.

Warbxin ayaa warsidaha Garowe Online horey uga qorey qorshaha madaxwenaha dowlada Puntland ku damacsan yahay in lacago Shilin Somali ah oo lagu daabacey gudaha Puntland suuqa dhowaan soo gali doonaan iyadoo la sheegey in mushar lagu siin doono shaqaalaha dowlada. Halkan ka akhri warbixintaan

Qoraal maamulka gobolka Mudug kasoo saarey lacagaha Shilin Somaliga falsada ah ee kaga yimid gobolo kale hoos ka akhri.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xamsa oo Midowga Yurub Ka Dalbaday Taageero Dheeraad ah xilliga Kala-guurka AUSSOM  

Dhankeeda, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika, Dr. Annette Weber, ayaa bogaadisay guulo wax ku-ool ah.

  • Soomaliya

    20-10-2025

  • 12:46PM

Muxuu Guudlaawe xilka uga qaadey Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan?

Xilka qaadista ayaa timid xilli uu jiray muran xooggan oo ka dhashay canshuuraha laga qaado garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

  • Soomaliya

    20-10-2025

  • 11:28AM