Golaha deegaanka degmada Boosaaso oo iskhilaafsan

Image

BOSASO, Jan 18,2015 [GO]- Xubno ka tirsan Golaha Deegaanka ee Degmada Boosaaso ayaa kasoo horjeestay kalfadhigii Golaha Deegaanka Degmadaas oo maanta lasoo gabogabeeyay, waxaaana xubnahaan ay baaq u direen Wasaarada Arimaha Gudaha ee dawladda Puntland.

Xildhibaanada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay aad uga xunyihiin kalfadhigii golaha lasoo xiro, iyagoona sheegay in qodobo muhiim ah laga saaray oo loo baahanaa in looga wada hadlo kalfadhiga lasoo gabogabeeyay ee soconayay mudada ka yar bisha.

Xildhibaan Cabdiweli Siciid Xirsi  oo kamida Gudiga Joogtadaa ee xildhibaanada Golaha Deegaanka Boosaaso ayaa Warbaahinta u sheegay in ay ka xunyihiin qayb kamida xildhibaanada qaabka loo maamulay kal-fadhiga, waxaana uu wasaarada arimaha Gudaha Puntland ugu baaqay in xaalada ay faragalin kusoo samayso.

''waxaan ka xunahay in kalfadhiga lasoo xiro iyadoo aan la dhamaystirin ajandihii kal-fadhiga ee markii hore laysku raacay waxaana wasaarada arimaha gudaha ugu baaqaynaa in ay arinta wax ka qabtaan gudina usoo saaraan arinta'' Sidaas waxaa yiri  Xildhibaan C/weli Siciid Xirsi.

Qodobada uu sheegay xildhibaankaan inay muhiim yihiin waxaa ka mid ahaa sharci xadida dadka ajaanibta ee Boosaso kusoo qulqulaya kuwaas oo laga hadlayo qabakooda, iyo nadaafadooda, isku xirka xaafdaha iyo Golaha deegaanka iyo qodobo kale.

Hadii aan xal loo raadin aragti kala duwanaanshaha xildhibaanada ayaa keeni karta in khilaafku uu sii xoogaysto ragaadiyana shaqada Degmada Boosaaso ka socota.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM