Golaha wasiirada ee maamulka Koonfur Galbeed oo kulmey

Image

BAYDHABO, March 6,2015 (GO)- Waxaa kulan isugu yimi golaha wasiirada ee maamulka Koonfur galbeed Somalia kaasoo uu shir gudominayay Madaxwayne Shariif Xasan Shiikh Aadan .

Kulanka ay yeesheen golaha wasiirada waxaa loo hadlay sidii ay u dar dar galin lahaayeen shaqada loo igmaday amaanka sedexda gobol ee uu ka kooban yahay maamulkaasi iyo sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin goboladaas.

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi galinta ee maamulka Koonfur galbeed Somalia Xasan Cabdi Maxamed  oo la hadlayay Radio Garowe ayaa waxaa uu sheegay in xooga lagu saaray sedexda qodob isagoo tilmamay in ay sidoo kale uu jiro in shirka looga hadlay xeer ay kuwada shaqayn doonaan golaha wasiirada ee maamulka Koonfur galbeed .

Xasan Cabdi ayaa xusay in dhawaan la soo dhisi doono golaha Baarlamaanka ee maamulkaas.

Madaxwaynaha Maamulka Koonfur galbeed Somalia Shariif Xasan Shiikh Aadan aya March 2,2015 soo dhamaystiray golihiisa wasiirada isagoona soo magacaabay wasiir ku xigeenada.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM