Golaha wasiirada ee maamulka Koonfur Galbeed oo kulmey

Image

BAYDHABO, March 6,2015 (GO)- Waxaa kulan isugu yimi golaha wasiirada ee maamulka Koonfur galbeed Somalia kaasoo uu shir gudominayay Madaxwayne Shariif Xasan Shiikh Aadan .

Kulanka ay yeesheen golaha wasiirada waxaa loo hadlay sidii ay u dar dar galin lahaayeen shaqada loo igmaday amaanka sedexda gobol ee uu ka kooban yahay maamulkaasi iyo sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin goboladaas.

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi galinta ee maamulka Koonfur galbeed Somalia Xasan Cabdi Maxamed  oo la hadlayay Radio Garowe ayaa waxaa uu sheegay in xooga lagu saaray sedexda qodob isagoo tilmamay in ay sidoo kale uu jiro in shirka looga hadlay xeer ay kuwada shaqayn doonaan golaha wasiirada ee maamulka Koonfur galbeed .

Xasan Cabdi ayaa xusay in dhawaan la soo dhisi doono golaha Baarlamaanka ee maamulkaas.

Madaxwaynaha Maamulka Koonfur galbeed Somalia Shariif Xasan Shiikh Aadan aya March 2,2015 soo dhamaystiray golihiisa wasiirada isagoona soo magacaabay wasiir ku xigeenada.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM