Golaha wasiirada Galmudug oo dib loo dhigey magacaabistiisa

Image

19 August, 2015 (GO)- Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi ayaa isku af-gartay in dib loo dhigo muddo 15 maalmood magacaabidda golaha wasiirada maamulkaas.

Dastuurka Galmudug ayaa qeexaaya in madaxweynaha muddo 45 maalmood ku soo magacaabo  golaha wasiirada iyadoo uu maanta 18 August,2015  kaga ekeyd, balse dastuurka waxa uu cadaynayaa in muddo dheeraad ah uu Baarlamaanka weydiisan karo, haddii ay baahi timaado.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo madaxweynaha  oo shir jaraa’id ku wada qabtay xarunta madaxtooyada Cadaado waxay kaga dhawaaqen in magacaabidda golaha Wasiirada dib loo dhigo 15 cisho.

Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay inay timid baahi loo qabo dib u dhigista magacaabidda golaha wasiirada, waayo buu yiri iyadoo Ahlu Suna aysan aqbalin inay ka mid noqoto Galmudug.

Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed  waxa uu Ahlu Suna ugu baaqay in mudadaasi  ka faa’iideysato, kana mid noqoto Galmudug, si looga taggo kala qub qubnaan dadka deegaanka ah.

Maamulka Galmudug ayaa waxaa diidey iney aqoonsadaan maamulada Puntland iyo Jubaland kadib markii Dastuurrkooda ku darsadeen degaano aan ka tirsaneyn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM