Golaha Wasiirrada Jubaland oo isku shaandheyn lagu sameeyey

Image

May 20, 2015 (GO)- Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyey golihiisa wasiirrada.

Maxamed Aw-Yuusuf oo horey u ahaa wasiirka maaliyadda, waxaa loo wareejiyey Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, waxaana wasiirka cusub ee maaliyadda loo soo magacaabey Ibraahim Baajuun oo horey u ahaa Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirkii hore ee macdanta Cabdinuur Cali Aadan , waxaa loo wareejiyey Wasaaradda Warfaafinta.

Isku-shaandheyntan oo noqoneysa tii ugu horreysey ee lagu sameeyey Golaha Wasiirrada Jubaland, waxay kusoo aadeysaa todobaadyo kadib markii la dhisey baarlammaanka Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles