Wariye Goobdoon oo ku dhintey Muqdishu

Image

MUQDISHU- Allaha u naxariistee waxaa xalay saqdii dhexe magalada Muqdisho ku geeriyooday saxafi Cabdi Xaaji Goobdoon oo si weyn looga yaqaan gudaha dalka Somalia.

Cabdi xaaji Goobdoon ayaa shaqada wariye ka bilaabey Idaacada Muqdishu halka bilowgii sideedankii  uu noqdey agaasime guud ee wasaarada Warfaafinta Somalia.

AHN Cabdi Xaaji goobdoon ayaa sidoo kale noqdey wariyaha gaarka ah ee madaxweynihii hore ee Somalia AHN Maxamad Siyaad Barre.

Gobdon wuxuu ka mid ahaa mas'uuliyiintii badbaadiyay keydka cajaladaha ee Radio Muqdisho sannadihii faraha badnaa ee dagaalada ka socdeen Somalia gaar ahaan magaalada Muqdishu.

Wasiirka warfaafinta Somalia Maxamed Xayir Maareeye ayaa tacsi u diray dhammaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuub Cabdi Xaajo Goobdoon, waxa kale uu sheegay inay ku xun yihiin geeridiisa balse ay muhiim tahay in alle loo baryo inuu u danbi dhaafo.

Suxufiyiinta Somalia ee aqoonta u leh Cabdi Xaaji Goobdoona yaa tacsi ka diray iyagoona muujiyay inuu ka baxay saxaafada macalin rug cadaa ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM