Guddi farsamo oo cusub oo magaalada Cadaado looga dhawaaqey

Image

May 2, 2015 (GO)- Guddi cusub oo farsamo ayaa maanta looga dhawaaqey magaalada Cadaado, halkaasoo uu ka socdo shirka maamul u sameynta gobollada dhexe.

Guddigan oo kooban 35 xubnood waxaa si wadajir ah u ansixiyey labo kamid ah saxiixeyaashii heshiiska lagu dhisayo maamulkaas, kuwaasoo kala ah Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Dhowaan ayey ahayd markii la sheegay in lakala direy guddigii farsamda ee horay shirkaas u maamulayey, guddigaas waxaa hoggaamineysey gabar aqoonyahand ah oo lagu magacaabo Xaliimo Yarey.

Sababaha loo kala direy guddiga waxaa lagu sheegay inuu ku fashilmey gudashada waajibaadkii loo dhiibey iyo in qaar kamid ah xubnaha guddigu si toos ah ula safteen murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha.

Guddiga Xaliimo Yarey hormuudka u tahay oo weli shaqadooda sii wata ayaa qaadacay kala dirista lagu sameeyey iyagoo ku tilmaamey mid aan sharci ahayn.

Lama oga saameynta ay arrintani ku yeelan doonto habsami u socodka shirka oo markiisii horeba la daalaa dhacay khilaaf muddo dheer soo jiitamayey iyo kala aragti duwanaan siyaasadeed oo baaxad leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM