Guddi loo magacaabay muranka xisbiga Kulmiye

Image

02 November, 2015(GO)-Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa goor dambe xalay ku dhawaaqay guddi loo xilsaaray muranka ka dhextaagan xisbiga talada haya Kulmiye.

Guddiga oo ka kooban shan xubnood ayaa kala ah;  xeer ilaaliyaha guud , wasiirka gaashaandhigga , Gudoomiyaha guddiga maamul wanaagga , Gudoomiyaha akaadheemiyada nabadda iyo horumarinta Somaliland  iyo agaasimaha maamulka ee guddiga la dagaallanka HIV AIDs.

Siilaanyo, ayaa sheegay in guddigani si madax bannaan u soo hubiyo waxii khalad ah ee ku jira liisaska xubnaha golaha dhexe iyo qaabka loo diiwaangeliyay.

Khilaafka xisbiga Kulmiye, ayaa ka dhashay saddex murashax oo iclaamiyay in shirka golaha dhexe ee 10-ka bishaan Hargeysa ka dhici doono uu u afduuban yahay Gudoomiyaha xisbiga oo isaguna murashax ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM