Guddiga doorashada maamulka G. Dhexe oo lasoo xulay

Image

June 29, 2015 (GO)- Baarlammaanka maamulka lagu dhisayo magaalada Cadaado ee loo sameynayo gobollada Galguduud iyo Koonfurta Mudug ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xubnaha guddiga doorashada madaxweynha iyo madaxweyne ku-xigeenka.

Kulanka lagu ansixiyey guddiga doorashada waxaa kasoo qayb galay 77 xildhiban. 73 xildhibaan ayaa ogolaatey, hal xildhibaan ayaa diidey halka saddex kale ka aamuseen.

Guddiga oo ka kooban sagaal xubnood islamarkaana saddex kamid ahi dumar yihiin waxay magacyadoodu kala yihiin sidan:

  1. Maxamuud Aadan Cismaan, Guddoomiye.
  2. Cabdiweli Cali Maxamuud, Xubin.
  3. Maxamed Xasan Geelle, Xubin.
  4. Farxiya Xasan Cali, Xubin.
  5. Xasan Maxamed Axmed, Xubin.
  6. Farxiya Cabdullaahi Shiikh-doon, Xubin.
  7. Canab Maxamed Cosoble, Xubin.
  8. Maxamed Mire Axmed, Xubin.
  9. Cabdiqaadir Cali Diirshe, Xubin.

Maalinta berri ah ayaa la bilaabi doonaa qabashada araajida murashaxiinta ka qayb gelaya doorashada.

Doorashada ayaa dhici doonta maalinta Sabtida ee taariikhdu ku beegan tahay July 4, 2015.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM

Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday saldhigga ciidamada Itoobiya ee Baydhabo

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka saaxiibbada caalamka.

  • Soomaliya

    06-04-2026

  • 03:20PM