​Guddiga Doorashada oo billaabay bixinta Kaararka Aqoonsiga Xildhibaanada

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddiga Federaalka Hergelinta Doorashooyinka Dadban ee Somalia ayaa billaabay bixinta Kaararka Aqoonsiga Xildhibaanimo, ee lasiinayo mudanayaasha dhawaan la doortay.

War Saxaafadeed uu soo saarey Gudiga Doorashada ayaa lagu wargeliyay dhamaan Xildhibaanada cusub inay Kaararka Aqoonsiga ka qaadan karaan xarunta Villa Hargeysa ee ku taalla magaalada Muqdishu.

Guddiga waxa uu hoosta ka xariiqay in Xildhibaanada Dacawada ka taallo, ee Kursigooda la isku haysto aysan siin doonin Aqoonsiga Xildhibaanimo. Xubnaha Aqalka sare ayaa billaabay inay qaataan ID-cards.

Dhamaan Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub, ee isagu jiro Aqalada Sare iyo Hoose ayaa la filayaa inay 15-ka lagu dhaariyo magaalada Muqdishu, waxaana ay dooran doonaan Afhayeen22-ka December.

Xildhibaano ka socdo maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa maanta inay yimaadaan magaalada Muqdishu, si ay u qaataan kaararka iyo shahaadooyinka Aqoonsigooda.

Xubanaha Somaliland uga haray Aqalka hoose ayaa maanta lagu dooranayaa Muqdishu, waa maamulkii ugu dambeeyay oo u harsan doorashada Aqalada Hoose iyo Sare ee Baaralamaanka faderaalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM