Guddiga doorashada Somalia oo soo gudbiyey caqabadaha uu la kulmay [AKHRI]

Image

MUQDISHU, Somalia- Qoraal warsidaha GO soo gaarey ayaa sheegaya caqabadaha hortaagan doorashada Somalia kaasoo guddiga doorashada ee heer Federaal u gudbiyeen madaxda Somalida ee ku shirsan Muqdishu.

Shirka madaxda Somalida oo ka furmey magaalda Muqdishu ayaa guddiga doorashada ee heer Federaal waxa ay hor dhigeen caqbadaha hortaagan in doorasho ka qabsoonto Somalia taasoo la filayo in Bisha October 30, 2016 la doorto Madaxwynaha Somalia.

Guddiga ayaa ka hadlay caqbadaha dhaqaalaha ee hortaagan in doorasho laga qabto dalka, khilaafyada u dhexeeya odey dhaqameedyada 135 ah, arinka gobolka Banaadir, muran Qabaa'ilka matalaya Somaliland, qoondada dumarka oo mushkilad weyn ah iyo  arinka gobolada Hiraan/ Shabeelaha dhexe kasoo u baahan in xal laga gaaro.

Qoraalka oo nuqul kamid ah soo gaarey xafiiska Garowe Online ayaa u muuqda in guddiga eeda saarayo madaxda Dowlada Federaalka iyo maamulada Somalia kuwasoo ka gaabshey xal ka gaarista arimaha taagan iyo  dar-dar galinta howlaha doorashada Somalia.

Qoraalka guddiga ayaa hordhac u ah warar dhowaan saxaafada qortey kuwasoo sheegayey in wax laga badalo hanaanka doorasho ee Somalia.

Gudiga doorashada ayaa ka digey hadii arimaha taagan xal laga gaari waayo khatar tahay in doorashadu buburto.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA GUDDIGA U GUDBIYEEN KULANKA MADASHAFIEIT Letter to NLF - final233_06_Sep_2016-223410_signed.pdf

GAROWEONLINE 

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM