Guddiga doorashooyinka Somalia oo shaaciyay in shaqadoodii lala wareegay

Image

31 December, 2015(GO)-Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka dalka Somalia Xaliimo Ismaciil Ibrahim "Yarey" ayaa walaac ka muujisay hawlaha loo igmaday guddiga, kadib markii ay caddaysay in shaqadoodi la wareegeen hay'adaha dowladda Somalia iyo maamul goboleedyada.

Xaliimo Yarey oo ka hor hadashay golaha Barlamanka Somalia ayaa tilmaamtay in madashada wadatashiga ee dhawaan Muqdishu kadhacday shaqooyinkoodii lagula wareegay, waxayna Xildhibaanada ka codsaday inay u doodaan dib usoo celinta hawlahooda madaamada iyagu horay usoo ansixiyeen.

Waxay kadigtay hadii arrintu siday sheegtay kusii socoto in doorashada Somalia noqon doonto mid sharci darro ah, kolka aysan maamuleyn guddiga doorashooyinka qaranka.

Muddo 8-bilood ah ayaa ka harsan xilliga la filayo inay qabsoonto doorashada Somalia, waxaana guddigu tilmaamay inaan wali la sameyn sharcigii doorashooyinka ee qeexi lahaa hanaanka loo marayo doorashada 2016.

Hadalka Gudoomiyaha ayaa ku soo beegmaya xilli 10 bisha Janaayo Madaxda dowladda Somalia iyo maamul goboleedyadu u ballansanyihiin shir ka dhacaya Kismayo oo looga hadli doono habraaca doorashada inta aysan isugu tagin dalka Turkiga bisha Febraayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM