Guddiga doorashooyinka Somalia oo shaaciyay in shaqadoodii lala wareegay

Image

31 December, 2015(GO)-Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka dalka Somalia Xaliimo Ismaciil Ibrahim "Yarey" ayaa walaac ka muujisay hawlaha loo igmaday guddiga, kadib markii ay caddaysay in shaqadoodi la wareegeen hay'adaha dowladda Somalia iyo maamul goboleedyada.

Xaliimo Yarey oo ka hor hadashay golaha Barlamanka Somalia ayaa tilmaamtay in madashada wadatashiga ee dhawaan Muqdishu kadhacday shaqooyinkoodii lagula wareegay, waxayna Xildhibaanada ka codsaday inay u doodaan dib usoo celinta hawlahooda madaamada iyagu horay usoo ansixiyeen.

Waxay kadigtay hadii arrintu siday sheegtay kusii socoto in doorashada Somalia noqon doonto mid sharci darro ah, kolka aysan maamuleyn guddiga doorashooyinka qaranka.

Muddo 8-bilood ah ayaa ka harsan xilliga la filayo inay qabsoonto doorashada Somalia, waxaana guddigu tilmaamay inaan wali la sameyn sharcigii doorashooyinka ee qeexi lahaa hanaanka loo marayo doorashada 2016.

Hadalka Gudoomiyaha ayaa ku soo beegmaya xilli 10 bisha Janaayo Madaxda dowladda Somalia iyo maamul goboleedyadu u ballansanyihiin shir ka dhacaya Kismayo oo looga hadli doono habraaca doorashada inta aysan isugu tagin dalka Turkiga bisha Febraayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM