Guddiga xalinta khilaafadka doorashada Somalia oo tirtirey natiijada kuraas lagu tartamay [AKHRI]

Image

MUQDISHO, Somalia- Guddiga khilafaadka doorashada Somalia oo qoraal ku taariikhaysan 14 December ayaa tirtirey natiijada kuraasta xidhibanada aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia kuwasoo laga kala soo doortey maamulada Puntland, Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Tirada kuraasta natiijadooda la tirtirey ayaa gaareysa 11 Xildhibaan kuwasoo la sheegey in doorashadooda dib loogu noqonayo.

Guddiga Khalifaadka ayaa sheegey in tirada dacwada soo gaartey tahay 67 kuwasoo go'aan ka gaareen 11 kamid ah.

Kuraasta dib loogu noqonayo ayaa waxaa kamid ah kursiga beesha ugaar Saleebaan kaasoo markii doorashadaan dhaceysay uu cabasho ka muujiyey Maxamud Maxamed Maxamud oo loo yaqaan Kulaluhi.

Halkaan ka akhri go'aanka guddiga khilafaafka doorashada Somalia: 14 DEC Final EDRM Decision_signed.pdf

GAROWEONLINE 

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM