Guddiga xalinta khilaafadka doorashada Somalia oo tirtirey natiijada kuraas lagu tartamay [AKHRI]

Image

MUQDISHO, Somalia- Guddiga khilafaadka doorashada Somalia oo qoraal ku taariikhaysan 14 December ayaa tirtirey natiijada kuraasta xidhibanada aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia kuwasoo laga kala soo doortey maamulada Puntland, Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Tirada kuraasta natiijadooda la tirtirey ayaa gaareysa 11 Xildhibaan kuwasoo la sheegey in doorashadooda dib loogu noqonayo.

Guddiga Khalifaadka ayaa sheegey in tirada dacwada soo gaartey tahay 67 kuwasoo go'aan ka gaareen 11 kamid ah.

Kuraasta dib loogu noqonayo ayaa waxaa kamid ah kursiga beesha ugaar Saleebaan kaasoo markii doorashadaan dhaceysay uu cabasho ka muujiyey Maxamud Maxamed Maxamud oo loo yaqaan Kulaluhi.

Halkaan ka akhri go'aanka guddiga khilafaafka doorashada Somalia: 14 DEC Final EDRM Decision_signed.pdf

GAROWEONLINE 

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM