​Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada oo war-saxaafaadeed uga hadlay eedaha loo soo jeediyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddiga Madaxa Bannaan ee xallinta khilaafaadka doorashooyinka Somalia, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku faah faahinayaan ujeedka loo yagleeyay iyo hababka ay u mareen kuraastii 11 ahayd ee doorashadooda la naqdiyay.

War-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah soo gaaray GO, ayaa lagu sheegay in guddigu baaritaan iyo baaraan dag ku sameeyeen cabashooyin loo soo gudbiyay kuwaasoo dhacay mudadii lagu jiray doorashada Aqalka hoose islamarkaana baaritaan dheer kadib go'aan ku gaareen  kiisaskaas 11 kursi oo kamid ah doorashadooda lagu celiyo.

Xubnahan, ayaa sidoo kale xusay in tallaabo kasta oo ay qaadayeen kala tashanayeen hogaamiyaasha madasha iyo beesha caalamka, waxaynta intaas ku dareen in markii ugu dambaysay dowlaha taageera Somalia uga warameen halka ay wax marayaan.

Guddiga, ayaa sidoo kale sheegay in mudadii lagu guda jiray soo xulista xubnaha Aqalka hoose ee Barlamanka Somalia, ay heleen dacwooyin isugu jira; Musuq-maasuq, ku tagri fal awoodeed, Cod gadasho  iyo Qabaa'il laga qaaday kuraastii ay lahaayeen.

Guddiga, ayaa wax laga xumaado ku tilmamaamay wararkii laga faafiyay iyagoo sheegay inay si hufan ugu adeegayeen bulshada Somaliyeed tallaabo kasta oo ay qaadayeena markasta ka fiirsayeen.

Ugu dambayn Guddiga Khilaafaadka Doorashooyinka Somalia, ayaa diray baaq ku aadan in umadda Somaliyeed laga caawiyo abaaraha dalka jira iyagoo sidoo kale mahad-celin u jeediyay buslada Somaliyeed, beesha Caalamka, ciidamada ammaanka iyo AMISOM kalintii ay ka qaadeen soo xulista Barlamanka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM

Midowga Afrika oo ansixiyey $10 milyan oo taageerayo hawlgalka Soomaaliya

Lacagtan ayaa lagu xoojinayaa awoodda hawlgalka AUSSOM maadaama uu ka wareegayo hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 01:54PM