​Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo qoraal soo saaray [Akhriso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka dadban ee Somalia, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay uga hadlayaan arrimaha ku aadan diidamada laga muujiyay kuraasta ay soo celiyeen ee lagu doortay maamullada dalka qaybtood.

Qoraalka oo ku taariikhsan 15 December, 2016 ayaa eed dusha looga tuuray guddiyada maamul goboleedyada oo lagu dhaliilay inay la wareegeen awooddii Odoyaasha dhaqanka islamarkaana  ku kaceen falal lex jeclaysi murashaxiinta ah.

Waxaa sidoo kale lagu dhaliilay inay faro galin toos ah ku sameeyeen Ergooyinkii doorashada.

Guddiga, ayaa sidoo kale qoraalkooda walaac kaga muujiyay amar diidda ka yimid guddiga heer maamul goboleed iyagoo ku booriyay inay u hogaansamayaa amarrada guddiga khilaafaadka.

Waxay sidoo kale mahad-celin usoo jeediyeen dhammaan ciidamada amniga iyo beesha caalamka iyagoo ku ammaanay sida ay uga qayb qaateen qabsoomiyadda doorashada aqalka hoose ee Barlamanka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM