​Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo qoraal soo saaray [Akhriso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka dadban ee Somalia, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay uga hadlayaan arrimaha ku aadan diidamada laga muujiyay kuraasta ay soo celiyeen ee lagu doortay maamullada dalka qaybtood.

Qoraalka oo ku taariikhsan 15 December, 2016 ayaa eed dusha looga tuuray guddiyada maamul goboleedyada oo lagu dhaliilay inay la wareegeen awooddii Odoyaasha dhaqanka islamarkaana  ku kaceen falal lex jeclaysi murashaxiinta ah.

Waxaa sidoo kale lagu dhaliilay inay faro galin toos ah ku sameeyeen Ergooyinkii doorashada.

Guddiga, ayaa sidoo kale qoraalkooda walaac kaga muujiyay amar diidda ka yimid guddiga heer maamul goboleed iyagoo ku booriyay inay u hogaansamayaa amarrada guddiga khilaafaadka.

Waxay sidoo kale mahad-celin usoo jeediyeen dhammaan ciidamada amniga iyo beesha caalamka iyagoo ku ammaanay sida ay uga qayb qaateen qabsoomiyadda doorashada aqalka hoose ee Barlamanka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM