​Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somalia iyo taliyaal ciidan oo Cadaado tagay

Image

CADAADO, Somalia- Wafdi kala duwan oo isugu jira Taliyaal Ciidan iyo Guddiga doorashada Somalia, ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug.

Socdaalka Xubnaha ayaa lagu sheegay inay salka ku hayso doorashada la filayo in dalka ka dhacdo dabayaaqada sannadkan, waxayna eegayaan sida maamulkaasi u wado howlaha doorashada.

Xubnaha Cadaado tagay, waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban  Cumar Maxamed Cabdulle Dhegey, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Cali baashi Maxamed Xaaji iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Somalia Gen: Cismaan Nuur Subagle.

Mas'uuliyiintan ayaa la sheegay inay kulamo kala duwan la qaadan doonaan saraakiil sare sare oo katirsan maamulkaas iyagoo kala hadlaya sida xogtu sheegayso arrimaha doorashada.

Socdaalka wafdigan ayaa yimid, xilli guddiga doorashada ay ku celiyeen maamulkaasi xubnihii Aqalka Sare ee ay soo gudbiyeen.

Wuxuu sidoo kale kusoo aaday iyadoo maamulka Puntland ku eedaynayo ciidamada dowladda Federalka Somalia inay qayb ka yihiin dagaalka kasocda magaalada Galkacyo.

 GAROWEONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM