Guddoomiyihii xuquuqul insaanka Somaliland oo Hargeysa lagu xirey

Image

April 18, 2015 (GO)- Booliska magaalada Hargeysa ayaa maanta xabsiga u taxaabay Guddoomiyihii Hay'adda Xuquuqul Insaanka Somaliland, Guuleed Axmed Jaamac.

Amarka lagu xirey Guuleed Jaamac waxaa lagu soo warramayaa inuu bixiyey guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa.

Mas'uulkan oo la hadlay VOA-da isagoo ku xiran xarunta laanta dambi baarista ee CID  ayaa sheegay in sababta loo xirey tahay waraysi uu siiyey idaacadda BBC, kuna saabsanaa xukun qisaas ah oo todobaadkii hore Somaliland ku filisey lix qof.

"iminka waxan u xiranahay maxkamadda gobolka...waxaa la ii xirey dadkii la diley ayaan ka hadley...wax xun ma oran laakiin waxan sheegay inay haboon tahay in laga fiirsado" ayuu yiri.

Xarigga Guddoomiyaha  Hay'adda Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa kusoo aadaya maalmo ka kadib markii Somaliland xukun qisaas ah ku fulisey lix qof oo horay dil loogu xukumey.

Tallaabdaas waxaa si kulul u cambaareeyey Midowga Yurub oo ku tilmaamey arrin lagu deg degey xad gudubna ku ah xuquuqda aadanaha. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM