Guddoonka Barlamanka oo laaley moooshinkii Xasan Shiikh [ Akhri]

Image

Sept 26,2015 (GO)- Gudoonka Barlamanka dowlada federaalka Somalia ayaa qoraal uu soo saarey ku sheegey in la afjarey jiritaankii moshinka ka dhanka ahaa madaxweyne Xasan Shiikh 12/08/2015  islamarkaana loo gudbey marxalada wadahadal.

Qoraalkaan ayaa lagu sheegey in la hubiyey inuu jiro tuhun khiyaano qaran ee xeerka ciqaabta qodobkiisa 184 inuu madaxweynaha dowlada fedraalka ah lagu soo eedeeyey sidaas darteed looga gudbi doono wadahadal cabashooyinka jira,

Gudoonka ayaa qoraalkaan oo nuqul kamid ah soo gaarey warsidaha Garowe Online ku sheegey in 7 october,2015 la isugu imaan doono kulan balaaran oo ay kasoo qayb gali doonaan madaxweynaha dowlada federaalka, Ra'isal wasaaraha iyo xildhibanada soo gudbiyey mooshinka, waxaana uu ugu baaqeen in kasoo qayb galaan dhinacyadaasu.

Xildhibaanada mooshinkaan soo gudbiyey weli kama aysan hadlin qoraalkaan kasoo baxey gudoonka Barlamanka dowlada Fedraalka ah.

 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM