Guddoomiyaha Bangiga Dhexe oo ka digey lacago faalso ah

Image

MUQDISHO 30 April, 2015 (GO)-Guddoomiayaha Bangiga Dhexe ee Somalia Bashiir Ciise Cali, ayaa sheegey in wadanka la soo galiyey lacag shilin Somali ah oo been abuur ah taasoo keentey in wadanka laga dareeemo qiimo dhac ku yimid shilinka Soomaaliga.

Bashiir Ciise oo kula hadley magaalada Muqdisho saxaafada ayaa  sheegey in lacagtaan lagu sameeyey meel uusan carro baabin oo kamid ah wadanka Somalia gudahiisa, wuxuuna uga digeydadweynaha inay lacagtaas isticmaalaan.

Mudane Bashiir ayaa xusey in Bangiga Dhexe uusan shilin Somaliga faalsada ah aqoonsan doonin islamarkanaa aqbaleyn haddii la keeno xaruntiisa isaga oo hay'adaha amniga ka dalbadey in la qabto halka lagu arko lacagtaas.

Gudoomiyaha bangiga dhexe ee Somalia ayaa ka gaabsadey in saxaafada u sheego halka lagu soo daabcey lacagtaan.

Sarifka Shilin Somaliga ayaa boqol kii doolar maanta waxaa magaalada Muqdisho lagu iibsanayey labo milyan iyo sadex boqol kun oo shiln Somali ah.

Madaxweynaha Puntland  Cabdiweli Cali Gaas oo dib ugu soo noqdey 26 April, 2015 magaalada Garowe ayaa mar saxaafaddu waydiisay inuu jiro qorshe xukuumaddiisu ku daabaceyso lacag Shilin Somali, wuxuu si adag u beeniyey arrintaas.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xarunta Bangiga Dhexe ee magaalada Bosaso la keeney makiinad  lagu daabaco lacag shilin Soomaali ah taasoo shaqadeedu bilaabmeyso bisha soo socota ee May.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM