Gudoomiyaha Barlamanka Puntland oo gaaray Bosaso

Image

29 September, 2015(GO)-Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa gaaray magalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Maamulka gobolka, kan degmada iyo mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda ayaa ku soo dhaweeyay xarunta ganacsiga Puntland.

Safarka Gudoomiyaha ayaa loo badaniyaa inuu yahay ka qayb galka doorashada guddoonka golaha deegaanka degmada Bosaso oo dhici doonta maalmaha soo socda.

Xubno ka tirsan golayaasha dowladda ayaa ku sugan Bosaso oo ay ka socoto loollanka loogu jiro doorasha Gudoomiyaha iyo ku-xigeenka golaha deegaanka degmada.

Shire ayaa dhawaan ka soo laabtay safar uu ku tagay magalada Galkacyo ee xarunta gobolka oo ay ku suganyihiin Madaxweynaha Puntland iyo xubno ka tirsan golayaasha dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM