Gudoomiyaha Barlamanka Somalia oo diray hambalyada sannadka cusub ee Hijriyada

Image

14 Octobar, 2015(GO)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa u diray shacabka Somaliyeed iyo guud ahaanba Muslimiinta caalamka hambalyo ku aadan sanadka cusub ee Hijriyada Islaamka.

“Hor iyo horaan waxaan doonayaa inaan halkaan uga diro shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo guud ahaan umadda Islaamka hambalyo ku aadan sanadka cusub ee Hijriyada Islaamka waxaa inoo dhashay sanad cusub oo ah 1437 Hijria waa bilowga sanad cusub ee tirsiga taariikhda islaamka marka saa daraadeed waxaan idiin leeyahay hambalyo,Hambalyo,Hambalyo” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Dhinaca kale Jawaari ayaa ka hadlay isbadalka dhacay sannadkan dhammaaday.

“sanadka dhammaaday ee 1436 waxey umadda Soomaaliyeed soo mareen marxalado kala gedisan laakiin waxaan hubaa in sanadkii hore hormarradii jiray in ka badan in la sameeyey waxaana waajib nagu wada ah inaan Alle uga mahad celinno taas"Ayuu Jawaari hadalkiisa ku daray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM