​Gudoomiyaha Boon-dheere gobolka Banaadir oo la weeraray

Image

MUQDISHU- Dablay hubasan oo watay gaari nooca raaxada ah ayaa weerar ku qaaday gaari uu la socday gudoomiyaha degamda Boon-dheere gobolka Banaadir, waxaana falkaasi ku dhintay labo qof oo kala ahaa; ilaalada gudoomiyaha iyo wadihii gaarigaasi.

Weerarkan, waxaa sidoo kale ku dhintay mid kamid ah mallayshiyadii dagaalka soo qaatay iyagoo sidoo kale ka cararay buubuurkii ay wateen.

Baaburka mallayshiyadaasi, ayaa qarxay kadib howlgalka, waxaana ku dhintay haweenay ka agdhaweyd.

Afhayeenka gobolka Banaadir Cabdifatax Cumar Xalane, ayaa arrintaasi ka hadlay, wuxuuna sheegay inay inay ka hortageen weerar qorshaysan oo kooxda Shabaab doonaysay inay ku waxyeellayso shacab Somaliyeed, isagoo xusay inay dileen mid kamid ah kooxaha weerarka qaaday.

Xalane, wuxuu shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada nabad galayad oo ku ammaanay howlgalka caasumadda Somalia ka wadaan.

Weerarkan oo galinkii dambe maanta dhacay, wuxuu kusoo beegmay xill gacanta lagu soo dhigay baabuur waday walxaha qarxa.

Ammaanka caasumadda Somalia ayaa faraha kasii baxay, waxaana kusoo badanaya weerarada qorshaysan iyo qaraxyada lala beegsanayo xarumaha muhiimka ah ee dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM