​Gudoomiyaha Buurhakabo oo geeriyoodey

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddoomiyihii Degmada Buurhakaba Maxamed Cabdi Maxamed, ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaarey Weerar qarax miino ah oo 15-kii Bishii lasoo dhaafey ka dhacay afaafka hore ee Gurigiisa.

Maxamed Cabdi, ayaa mudo ku dhaw Hal bil wuxuu jiifay Isbitaalka AMISOM ee ku yaalla xarunta Xalane, halkaasi oo ku geeriyooday Xalay, sida Maamulka Buurhakabo uu xaqiijiyay.

Marxuumka ayaa dhaawac culus kasoo gaarey Qarax ka dhashay miino lagu aasay Albaabka Gurigiisa Bishii October 15, kaasi oo mas'uuliyadiisa sheegatay Kooxda Al Shabaab.

Mas'uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed, ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Gudoomihii Degmada Buurhakabo mudane Cabdi, oo ay sheegeen inuu ahaa shaqi mudo dheer usoo adeegay Qaranka.

Dhanka kale, Maamulka Degmada Buurhakabo, ayaa sheegay in Meydka Gudoomiyaha dhintay ay u qaadi doonaan degmadiisa Buurhakabo, si ay ugu aasaan halkii uu ku dhashay.

Kooxda Al shabaab ayaa inta badan beegsata xubnaha sare ee ku jiro dowladda iyo Saraakiisha ciidanka, si ay u naafayso dowladnimada dalka Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM