Gudoomiyaha fanaaninta la xiray oo hadlay [Dhagayso]

Image

28 September, 2015(GO)-Gudoomiyaha  kooxda Xidigaha Geeska ee Hargaysa Abwaan Maxamed Dhuxul Laab-saalax ayaa ka hadlay xarigga loo gaystay fanaaniin ka tirsan kooxdiisa.

Laab-saalax ayaa beeniyay hadal shalay BBC-da u sheegay wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha Somaliland Axmed Cadarre oo sheegay inay ka mid ahaayeen shaqaalah wasaaradda warfaafinta maamulkaasi, sidaa darteed loo adeegsaday qodob ka mid ah xeerka shaqaalaha.

Gudoomiyuhu, waxa uu tilmaamay inaysan shaqaalaha warfaafinta Somaliland ka mid ahayn Afarta fanaan ee la xiray, isagoo caddeeyay inay yihiin koox iskood isu abaabushay.

Abwaanka ayaa dhanka kale sheegay in ganacsatada, saxafiyiinta, ururada bulshada iyo dhaqaatiirtu ay yihiin kuwo bilaa xuduud ah, sidaa darteedna aysan galin wax khalad ah ku ah xeerka u yaalla.

Fanaaniinta Xamda Queen, Nimcaan Hillaac, Maxamed Axmed Bakaal, iyo Cabdiraxman Caydiid Cabdi ayaa ciidamada boliiska Hargeysa shalay xabsiga u taxaabeen kadib xilli ay ka soo noqdeen bandhig faneed ay ku qabteen magalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM