Gudoomiyaha fanaaninta la xiray oo hadlay [Dhagayso]

Image

28 September, 2015(GO)-Gudoomiyaha  kooxda Xidigaha Geeska ee Hargaysa Abwaan Maxamed Dhuxul Laab-saalax ayaa ka hadlay xarigga loo gaystay fanaaniin ka tirsan kooxdiisa.

Laab-saalax ayaa beeniyay hadal shalay BBC-da u sheegay wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha Somaliland Axmed Cadarre oo sheegay inay ka mid ahaayeen shaqaalah wasaaradda warfaafinta maamulkaasi, sidaa darteed loo adeegsaday qodob ka mid ah xeerka shaqaalaha.

Gudoomiyuhu, waxa uu tilmaamay inaysan shaqaalaha warfaafinta Somaliland ka mid ahayn Afarta fanaan ee la xiray, isagoo caddeeyay inay yihiin koox iskood isu abaabushay.

Abwaanka ayaa dhanka kale sheegay in ganacsatada, saxafiyiinta, ururada bulshada iyo dhaqaatiirtu ay yihiin kuwo bilaa xuduud ah, sidaa darteedna aysan galin wax khalad ah ku ah xeerka u yaalla.

Fanaaniinta Xamda Queen, Nimcaan Hillaac, Maxamed Axmed Bakaal, iyo Cabdiraxman Caydiid Cabdi ayaa ciidamada boliiska Hargeysa shalay xabsiga u taxaabeen kadib xilli ay ka soo noqdeen bandhig faneed ay ku qabteen magalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM