Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo xilka laga qaaday

Image

26 Octobar, 2016(GO)-Guddoomiyihii gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta xilkii laga qaaday, sida uu xaqiijiyey afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys.

Sida uu sheegay afhayeenka, waxaa madaxweyne Xaan Sheekh uu Muungaab ku beddelay nin lagu magacaabo Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Illaa iyo hadda lama sheegin sababta xilka looga qaaday guddoomiyaha, mana jiraan wax faahfaahinno dheeri ah oo arrintan ku saabsan.

Xigasho: VOA

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM