Gudoomiyaha gobolka Galgaduud oo Muqdishu lagu weeraray

Image

19 December, 2015(GO)-Gaari uu la socday gudoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa maanta lagu weerary magalada Muqdishu gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama nawaaxiga Shaneemo Somali sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Rasaas xooggan ayaa oodda looga qaaday gaariga uu la socday Xuseen Cali Wehliye Cirfo, waxaana soo gaaray dhaawac culus oo sababay in la dhigo mid ka mid ah goobaha caafimaadka Muqdishu.

Halka lagu weerary Cirfo aya isla maanta waxaa ka dhacay qarax xooggan oo ilaa hadda cid kahadashay aysan jirin, waxaana qaraxaasi oo gaari lagu soo xiray waxyeello ka soo gaartay dad shacab u badan.

Wadada Maka Al-Mukarama  ayaa hadda noqotay goobta lagu ugaarsado shakhsiyaadka muhiimka ah, Asbuucii hore ayay ahayd markii lagu dilay labo ruux oo u shaqaynayay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga UNHCR. Labadaasi ruux majirto cid loo soo qabtay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM