​Gudoomiyaha Gudiga Doorashada, Michael Keating Taliyaal ciidan oo gaarey Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia- Waxaa Maanta magaalada Jowhar, ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle gaarey Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Dadban ee Somalia Abukaate Cumar Cabdulle (Dhagey), Taliyaasha Nabad Suggida iyo Booliska.

Sidoo kale waxaa Jowhar gaarey Ergayga QM u qaabilsan Somalia Michael Keating, oo isna u tagey magaaladaasi inuu qeyb ka noqdo xal u raadinta Is-mariwaaga ka taagan Doorashada Aqalka hoose.

Wafdiga gaarey Jowhar ayaa lagu soo waramayaa inay kulamo la leeyihiin Guddiga Amniga Doorashada, Saraakiisha ciidanka iyo maamulka Hir-Shabeelle, waxaana isku dayayaan inay xalliyaan Khilaafaadka jira.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha xukuumadda waqtigeedu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Nuux ayaa shaqaaqo ka sameeyay Hoolka Doorashada Habeenkii Jimcaha ee lasoo dhaafay, taasi oo keentay in dib loo dhigo Doorashada Aqalka hoose.

Maalinta Arbacada ee soo socoto ayaa la filayaa inay dib u furanto Doorashada, iyadoo amniga lagu wareejinayo ciidamo ka socdo AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM