Gudoomiye Jawaari ka qayb galey xaflad lagu furey xarunta Barlamanka Jabuti

Image
Image
Image

Gudoomiyaha Barlamanka Somalia iyo xildhibano uu hogaaminayo oo ku sugan wadanka Jabuuti ayaa ka qayb galey maanta xarunta cusub ee Barlamanka dalka Jabuti ku howlgali doono.

Munaasabadaan furitanka dhismaha Barlamanka cusub oo uu xariga ka jarey madaxweynaha dalka jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa waxa ka soo qayb gale gudoomiye-yaasha caalaamka sida Gudoomiyaha dalka Iran.

Dalka Iran ayaa hirgaliyey mashruuca loogu dhisey dalka Jabuuto xaruntaan Barlamanka cusub ee dalkaas ku howlgali doono.

Gudoomiyaha Barlamanka dowlada Federaalka ayaa la kulmey Gudoomiye-yaashii wadamada kale oo kasoo qayb galey xafladaan isagoo kala hadley xiriirada saxiibtimo ee ka dhexeeya.

Maalinta Isniinta ee soo socota ayaa loo balansan yahay in Barlamanka dowlada Federaalka ah ka doodo mushoonka ka dhanka ah Ra'isal Wasaaraha Somalia. 

Xildhibaanada tageersan Ra'isal wasaaraha aaya horey isu hortaagey in mooshinkaan laga doodo iyadoo khilaafkaas aan weli xal laga gaarin.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM