Haamaha Berbera oo shirkado la siiyay

Image

19 Octobar, 2015(GO)-Wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland, Muuse Qaasim, ayaa maanta rasmi ahaan shaaca uga qaaday in haamaha keydka shidaalka ee Berbera, ee muranku ka taagnaa, loogu wareejiyay shalay lix sharkadood oo gaar loo leeyahay oo xukuumadu ka kireysay.

Wasiirka oo war kooban siiyay BBC, wuxuu sheegay in shirkadahan lixda ah oo horeba u keeni jiray shidaalka Somaliland, ay wasaaradda ganacsigu ka kireysay haamaha shidaalka ee Berbera muddo labaatan sano ah.

Wuxuu sheegay in wasaaradu yeelaneyso awoodda kantaroolka iyo hubinta tayada shidaalka soo gelaya dalka. Faah-faahi kale ma bixin wasiirka ganacsigu.

Xafladda shalay ka dhcday magaalada Berbera ee keydka haamaha shidaalka lagu wareejinaayay ganacsatada, ayaa loo diiday saxaafadda, waxaana magaalada Berbera la geeyay ciidan dheeraad ah.

Sida laga warqabo, hore, ayaa baarllamaanka Somaliland cod aqlabiyad ah ku diiday in haamaha keydka shidaalka ee Berbera lagu wareejiyo ganacsato gaar ah, oo aan tartan furan u soo marin.

Xigasho: BBC

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM