Hadliye "ciidamada Kenya waxay Soomaaliya ka baxayaan 2017-ka"

Image

April 11, 2015 (GO)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisey waqtiga ay ciidamada Kenya sida rasmiga ah uga bixi doonaan gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in militeriga Kenya ka bixi doonaan Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2017.

Wuxuu sidoo kale sheegay in qorshaha bixitaanka ciidamada Kenya yahay mid ay si wadajir ah u saxiixeen Dowladda Federaalka Somaliya, Kenya iyo Midowga Yurub.

"ciidanka Kenya waxan rajeynaynaa inay dalka ka baxaan sanadka 2017...waxaana socda qorshe dib loogu dhisayo ciidamada Soomaaliya, si ay amniga guud ee dalka ula wareegaan" ayuu yiri.

October  2011 ayey ciidamada Kenya soo galeen Soomaalia, waxayna si rasmi ah ugu biireen hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM bishii June ee sanadkii 2012.

Kenya ayaa soo gelitaaka ciidankeeda ee Soomaaliya ku sababeysey inay tahay si ay ula dagaallamaan Al-shabaab oo khatar ku ah dhaqaalaheeda iyo weliba ammaanka muwaadiniinteeda, waa sida Kenya hadalka u dhigtaye.

Al-shabaab ayaa  ugu hanjabtey Kenya inay sii wadi doonto weerarrada ay ka geysaneyso dalkaas haddii ay dib ula soo bixi weydo ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Mucaaradka Kenya ayaa sidoo kale marar badan ku baaqey in dib loo soo saaro ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM