Hague: Soomaaliya oo maanta gudbineysa dacwada badda

Image

July 13, 2015 (GO)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah u gudbineysa Maxkamadda Caalamiga ah ee fadhigeedu yahay magaalada Hague, dacwad ka dhan Dowladda Kenya.

Dacwaddan ayaa la xiriirta muranka badda ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo Soomaaliya ku doodeyso in si sharci darro ah loogu qabsadey qayb kamid ah baddeeda.

Wafdi uu hoggaaminayo Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir islamarkaana ay ku jiraan sharci-yaqaano iyo qareenno dhowr ah ayaa shalay gaarey magaalada Hague.

Xubnaha wakiilka ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u gudbin doona maxkamadda dukumiinti ka kooban 150 bog.

Goobta lagu muransan yahay oo sanado kahor la shaaciyey in kayd badan oo shidaal ahi ku jiro, waxay ka tirsan tahay Soomaaliya iyadoo u dhow xadka Kenya.

Kenya ayaa ku doodeysa in goobtaasi tahay mid raacsan biyaha caalamiga ah oo labada dowladood midna aysan lahayn, sidaas darteedna aysan jirin shuruuc Kenya u diideysa inay halkaas shidaal kasoo saarto.

Laga soo bilaabo markii la sameeyey sahanka shidaalka ee badda, lana ogaadey in kayd badani ku jiro badda Soomaaliya ee ku dhow xadka, Dowladda Kenya waxay xoojisey faragelinta siyaasadeed ee ay ku hayso Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan, in kumannaan ka tirsan militeriga Kenya ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya, islamarkaana dowladda Kenya qayb libaax ka qaadatey dhismaha maamulka Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM