Hanti dhawraha Somalia oo shaaciyay hay'ado diiday la xisaabtan

Image

29 December, 2015(GO)-Hanti-dhowrka Guud ee Somalia Nuur Faarax Jimcaale Faarax ayaa caddeeyay inaan la xiri karin xisaabta dowladda, maadama hay'ado gacanta ku haya ilaha dhaqaalaha dalka diideen in lala xisaabtamo.

Nuur Faarax oo la hadlayay Baarlamaanka Somalia ayaa tilmaamay in Shirkadaha Favori oo gacanta ku haysa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Al-Bayrak oo maamusha Dekeda weyn ee Muqdisho diideen in lala xisaabtamo oo la ogaado dhaqaalaha soo gala iyo kuwa ka baxa.

“Horta wadankan xisaabtiisa xirmi meyso, hadii shirkadaha lagu wareejiyay ilihii dhaqaalaha ee dalka aan la xisaabin karin, Shirkadaha Favori iyo Al-Bayrak waa noo diideen inaan la xisaabtano, waxaa ka dhaa-dhacsan, in aan la xisaabin karin ama aan la hanti dhowri karin”ayuu yiri Hanti-dhowraha Somalia.

Guddiyada Barlamanka iyo dowladda Somalia ayuu ka codsaday inay xaaladda taagan wax ka qabtaan kahor bisha Janaayo, maadama xilligaas lagu wado in la xiro xisaabta dowladda 2015.

Ilaha dhaqaalaha dalka gaar ahaan Garoonka iyo Dekadda ayaa waxaa gacanta ku haya shirkado shisheeye, waxaana shirkadda Al-Bayrak lagu wareejiyay maamulka Dekedda sannadkii 2014, waxayna bishii November ee isla sannadkaas soo bandhigtay lacago ay sheegtay inay bil gudaheed kasoo xarooday dekedda oo gaaraysay 1,582,000, inkastoo markaas kaddib aysan jirin xisaab celin dambe.

Favori oo ah shirkad laga leeyahay dalka Turkiga ayaa isla sannadka iyana lagu wareejiyay garoonka diyaaradaha Muqdishu, waxayna dayactir ku samaysay madaarka, balse wali masoo bandhigin wixii ka soo xarooday.

Hadalka ka soo yeeray Hanti-dhowraha dalka ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Somalia lagu eedeeyo musuq maasuq, waxaana dhammaan ilaaha dhaqaalaha maamula shirkado hishiis lala galay kuwaasi oo aan diyaar u ahayn in la xisaabiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM