Hanti ku burburtay dab ka kacay suuq ku yaalla Muqdishu

Image

30 September, 2015(GO)-Hanti kala duwan ayaa ku baaba'day suuq ku yaalla magalada Muqdishu, ka dib dab qabsaday maanta.

Ma jirto khasaaro nafeed oo uu gaystay dabka, balse waxaa gabi ahaanba burburay suuqaasi.

Ganacsato la hadashay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in arrintani ka dhalatay dab ka kacay meherad ku taallay suuqa oo isticmaalaysay Gaas wax lagu karsado.

Hanti faro ku tiris ah ayaa la badbaadiyay sida xogtu nagu soo gaarayso, waxaan khasaaraha fududeeyay dabaylo ka dhacayay Xamar.

Gawaarida dab damiska ayaa timi goobta oo gacan ka gaystay inuusan dabku sii fidin.

Maaha markii ugu horaysay oo dab qabsato suuq ku yaalla Muqdishu, waxaana goobaha gubtay isugu jireen xarumo ganacsi, meherado iyo goobo kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM