Hanti ku burburtay dab ka kacay suuq ku yaalla Muqdishu

Image

30 September, 2015(GO)-Hanti kala duwan ayaa ku baaba'day suuq ku yaalla magalada Muqdishu, ka dib dab qabsaday maanta.

Ma jirto khasaaro nafeed oo uu gaystay dabka, balse waxaa gabi ahaanba burburay suuqaasi.

Ganacsato la hadashay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in arrintani ka dhalatay dab ka kacay meherad ku taallay suuqa oo isticmaalaysay Gaas wax lagu karsado.

Hanti faro ku tiris ah ayaa la badbaadiyay sida xogtu nagu soo gaarayso, waxaan khasaaraha fududeeyay dabaylo ka dhacayay Xamar.

Gawaarida dab damiska ayaa timi goobta oo gacan ka gaystay inuusan dabku sii fidin.

Maaha markii ugu horaysay oo dab qabsato suuq ku yaalla Muqdishu, waxaana goobaha gubtay isugu jireen xarumo ganacsi, meherado iyo goobo kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM