Hantidhowrka DFS oo amray in la xiro akoonada wasaaradaha

Image

January 27, 2015 (GO)- Hanta-dhowrka dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta war cusub ka soo saaray habka ay ula soconayaan miisaaniyada dowladda ee 2015-ka, siyaabaha ay u baxdo iyo ilaalinta hantida guud ee Qaranka.

Waxaa la xiray dhamaan kaydadkii dhaqaale ee wasaaradaha dowladda ay ku lahaayeen xawaaladaha gaarka loo leeyahay, waxaana loo wareejiyey bankiga dhexe. Sida uu weriyaasha u sheegay gudoomiyaha hanta-dhowrka ee federaalka Dr. Nuur jimcaale Faarax.

Dr. Jimcaale wuxuu sheegay in arrintan looga gol-leeyahay in lala socdo hantida dhaqaale ee wasaaradaha dowladda iyo siyaabaha loo isticmaalo iyadoo laga hortegayo musuq-maasuq baaha iyo arrimo kale.

“2015 waxaa jira qorshe aan kula soconayno miisaaniyada iyo siyaabaha ay u baxdo, waxaana adeegsan doonaa hab Online ah oo howsha ku kormeeri karno xili walbo.” Ayuu yiri Jimcaale oo uu garab fadhiyey wasiirka maaliyada Xuseen Xalane oo sii haye ah.

Dhamaadkii sanadkii dhowaa goortii la tuuray xukuumadii ra’isal wasaare Cabdiweli Sheikh Axmed ayaa Garsooraha qaranku ku amray wasiiradda xukuumada la tuuray in aysan dalka ka bixi karin, ilaa ay xilka ka wareejiyaan. Dadka siyasadda ka faalooda ayaa arrintaas u arkay inuu jiro shaki musuq-maasuq.

Xawaaladaha ayaa inta badan wasaaradaha dowladdu ay ku lahaayeen kaydad dhaqaale oo ay lacagta ku ritaan, taas ayaana ahayd mid sahlaysay musuqa. In kastoo bankiga dhexe ee dhowaan la qaabayeyna lagu eedeyey inuu ka jiro musuq-maasuq baahay oo sababay in ay is casisho gudoomiyihii hore ee bankigaas Yusra Abraar.

Ururro caalami ah oo wax ka qora arrimaha Soomaaliya ayaa madaxda sare ee dowladda dhowr jeer ku eedeyey in ay lunsadeen lacago deeq ah iyo kuwa kaleba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM