Hawlgallo dad lagu soo qabqabtey oo Baydhabo laga sameeyey

Image

February 15, 2015 (GO)- Ciidamada ammaanka gobolka Bay oo kaashanaya ciidamada AMISOM ayaa saaka hawlgal baaritaan ah ka sameeey qaar kamid ah xaafadaha degmada Baydhabo.

Saraakiil ka tirsan booliska maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in hawlgalka ay kusoo qabteen hub iyo ku dhowaad soddon qof oo lala xiriirinayo Al-shabaab.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa todobaadyadii u dambeeyey soo xumaanayey waxaana degmadaas kusoo batey dilalka qorsheysan.

Muddo bil gudaheed ah, waxaa Baydhabo lagu toogtey lix qof oo saddex kamid ahi ahaayeen wadaado ka tirsan culimada Ahlu Sunna.

January 18, 2015 ayey ahayd markii Baydhabo lagu toogtey Sheekh  Shariif Siidkey oo ahaa guddoomiyaha dallada culimada Ahlusunna ee degmada Baydhabo.

February 3, 2015  waxaa isla Baydhabo lagu diley Sheekh Xuseen Xasan oo isna ka tirsanaa culimaa'uddiinka Ahlu Sunna kaasoo lagu dhex diley masjid xilli uu saalada cishaha ku jirey.

Sidoo kale Sheekh Aadan War-Iish ayaa February 14, 2015 isla degmada Baydhabo lagu diley, waxaa sidoo kale jirey odayaal dhaqaameed saraakiil ciidan oo la diley.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Howlgalka Nabadda ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Wajahaya Caqabado Dhaqaale

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda AUSSOM u leedahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 01:05PM

Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay abaabulka kooxo hubeysan oo lagu beegsanayo Lafagareen

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in kulammo gaar ah oo ka dhacay Muqdisho ay qeyb ka yihiin qorshe siyaasadeed.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 05:39AM