Hay'ada IMF oo deyn cusub u diidey wadanka Somalia

Image

August 3,2015 (GO)- Hay’adda lacagta aduunka ee IMF ayaa  shaacisay in ay ka hortimid dalab dowladda Federaalka kaga yimid oo ahaa in lacago amaahiso Somalia. Diid madaan ka soo baxday hay’adda IMF ayaa lagu sheegay in Somalia hadda lagu leeyahay lacag gaareysa $328 Million oo dollarka Mareykanka ah.

Rogerio Zandamela  oo ah madaxa hogaaminaya howlaha hay’adda IMF ka wado Somalia ayaa sheegay in haatan dowladda Federaalka aanay lacago cusub amaahin karin isaga oo xusay in dowladda looga baahan yahay in dib u soo celiso deymaha lagu leeyahay.

Zandamela waxaa uu sheegay in kororka dhaqaalaha Somalia uu kobcay bilihii la soo dhaafay isaga oo sheegay in guud ahaan lacagaha hay'ada IMF ku bixiso shaqaalaha rayidka ah.

HALKAN KA AKHRI MAQAALKAAN OO KU QORAN ENGLISH

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM