Hay'ada IMF oo deyn cusub u diidey wadanka Somalia

Image

August 3,2015 (GO)- Hay’adda lacagta aduunka ee IMF ayaa  shaacisay in ay ka hortimid dalab dowladda Federaalka kaga yimid oo ahaa in lacago amaahiso Somalia. Diid madaan ka soo baxday hay’adda IMF ayaa lagu sheegay in Somalia hadda lagu leeyahay lacag gaareysa $328 Million oo dollarka Mareykanka ah.

Rogerio Zandamela  oo ah madaxa hogaaminaya howlaha hay’adda IMF ka wado Somalia ayaa sheegay in haatan dowladda Federaalka aanay lacago cusub amaahin karin isaga oo xusay in dowladda looga baahan yahay in dib u soo celiso deymaha lagu leeyahay.

Zandamela waxaa uu sheegay in kororka dhaqaalaha Somalia uu kobcay bilihii la soo dhaafay isaga oo sheegay in guud ahaan lacagaha hay'ada IMF ku bixiso shaqaalaha rayidka ah.

HALKAN KA AKHRI MAQAALKAAN OO KU QORAN ENGLISH

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM