Heshiis shidaal oo dhexmarey maamulada iyo dowada Somalia

Image

23 October,2015 (GO)- Kulankii magaalada Muqdisho uga socdey madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu kala saxiixdey is-faham horudhac oo ah habka wadaaga qeyraadka dalka.

Waxaa heshiiska wada gaaray wasiirka batroolka xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mukhaar Ibraahim iyo madaxda Batroolka iyo Tamarta ee Maamullada Puntland, Jubbaland, Koofur-galbeed iyo Galmudug.

Go’aanada kasoo baxay kullanka ayaa waxaa ka mid ah in la sameeyo aragti siyaasadeed oo mideysan kuna aadan arrimaha macdanta iyo shidaalka Soomaaliya.

Waxaa kulankaasi lagu gaarey in la dhiso guddi gaar ah oo soo gardaadiya isku afgaradka habka qeyraadka dalka loo qeybsanayo.

Guddigan ayaa haysta muddo bil ah oo ay dhinacyadu is afgarad ka gaarayaan arrinka. 

Talaabadaan ayaa imaaneysa maamlmo kadid markii uu soo baxdey warbixin QM oo ka hadleysa in la joojiyo heshiisyada shidaalka dowlada Federaalka iyo maamulada la galayaan shirkadaha shisheeye madaama uusan jirin xeerarkii hagi lahaa qaabka qaybsiga khayraadka dabiiciga.

Halkan ka dhageyso wareysiga wasiirka tamarta dowlada Federaalka oo ka hadlaya heshiiskaan.

VOA+GO

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM