Hiiraan: Duqeyn ka Dhacday Xero Al-shabab ku Sugnaa

Image

Wararka Naga soo gaaraya Degmada Buloburte ayaa sheegaya in xalay la duqeeyay xero tababar ciidan loogu soo gabagabeyay Malayshiyo Al-shabab ka tirsan. 

Xerada Duqeyntu ay ka dhacday ayaa waxaa ay ku taalaa Tuulo lagu magacaabo Dhariyow oo ilaa 60 km dhinaca Galbeed ka xigta Degmada Buuloburte. 

Dad degaanka ka tirsan ayaa warfidiyeenka u sheegay in xerada dhexdeeda jug xoog leh laga maqlay ilaa 7 jeer, halkaas oo ay ku sugnaayeen madax ka tirsan Al-shabab oo goobta u tagay in ay tababarka soo xiraan.  

Holaca iyo qiiqa ka dhashay duqeynta ayaa la arkayay ilaa saake waabarigii. 

Isgaarsiinta Degaanka ayaa tan iyo xalay markii ay duqeyntu dhacday hawada ka maqan.

VOA

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM