​HIIRAAN: Kulan dhexmaray Cosoble iyo Ugaas Khaliif oo fashil ku dhammaaday

Image

BALADWEYNE, Hiiraan- Madaxweynaha maamulka cusub ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa shalay kulan gaar ah la qaatay Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, oo diidana dhismaha maamulka lagu dhisay Jowhar.

Kulanka labada hogaamiye dhexmaray, ayaa ujeedkiisu ahaa sidii Ugaaska looga dhaadhacsiin lahaa inuu taageero maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle, maadama uu hogay u diidanaa inuu ka mid noqdo dadka dhisaya.

Cosoble, ayaa kulan gooni ah la yeeshay Salaaddii Jimcaha ka hor, waxaana hal bacaad lagu lisay noqday qorshihii uu watay, isagoo u cadeeyay inuu taageero maamulkaas, laakiin, wuxuu ugu laab qaboojiyay inuusan mucaaradi doonin islamarkaana warbaahinta dhaliilo uga soo jeedin doonin, wuxuuse la yimid shuruud ah inuu eegi doono waxqabadka dadka la doortay.

Kulan labaad oo saladdi Jimcaha kadib dhexmaray, waxaana ku weheliyay Xildhibaano iyo Siyaasiyiinta kuwaasoo doonayay inay Ugaas ku qanciyaan qorshaha Cosoble, balse kama aysan keenin wax natiijo ah.

Shirkaas ayaa ahaa mid Albaabada loo xiray, waxaana warbaahinta loo diiday inay Sawirro iyo Muuqaallo ka qabtaan.

Madaxweynaha Cusub ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa warbaahinta u sheegay inuu la kulmay Ugaaska islamarkaana kawada hadleen arrimaha taagan, waloow uusan sheegin natiijada uu kala kulmay

“Ugaas Xasan waa ugaaskeyga, waa ugaaska beesha aan aniga ku abtirsado, si weyn oo qurux badan ayuu isoo dhoweeyay, waa is aragnay, waa kulanay, waa wada hadalnay, wixii jiray waa ka hadalnay, wax kale nama oran waxqabadkiina fiirineynaa ayuu dhahay, waana intii laga fili lahaa qof walba, hadii maamul la sameeyo wax laga fiiriyo waa waxqamad, waana intii laga fili lahaa qof walba waxqabadkiina iyo tallaaba qaadkiina fiirineyna in umadan xaqooda heshi wax kale oo uu diidan yahay ma jirin, degmo iyo gobol uu gooni u diidan yahay ma jirin,” Sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Madaxweynaha Hir-Shabeelle.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in mas'uuliyiinta sar sare ee maamulkiisa kasoo jeedaan gobolka Hiiraan, sidaas darteed aysan jiri doonin cabsi xoog leh oo laga qabo inuu fashilmo.

“Maamulka dhismay hirshabeelle, guddoomiyaha baarlamaanka waa reer beledweyn, guddoomiye kuxigeenada waa reer beledweyn, aniga Madaxweynaha ka noqday waa ku abtirsadaa, oo deegaan ahaan uga soo jeedaa, wax laga shakiyo iyo iyo wax laga didayo, cid walba waa ku qanacsan tahay maamulkaas, Ugaaskana waa uu ka horeeyaa dadka,Ayuu yiri Cosoble.

Warar warsidaha Garowe Online, ka helay siyaasiyiinta ka agdhawaa shirka, ayaa sheegaya In Ugaas Xasan uu Cosoble kula dar-daarmay in maamulkaasi mira dhalkiisa uu adkaan doono isagoo ugu maah maahay [Hal booli ah Nirig Xalaal ah ma dhasho].

Wuxuu qorshaha noqonayaa isku daygii koowaad ee ay sameeyaan madaxda todobaadkii hore lagu doortay degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe, taasoo ay ku doonayaan in Odayga go'aanka adag looga dhaadhiciyo dhismaha maamulka cusub.

Arrinta, ayaa timid maalin ka hor intaan la guda galin Caleema Saarka madaxda maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM