​Hir-Shabeelle: Qof dumar ah oo kusoo baxday kursiga 31-aad

Image
Image
Image
Image

JOWHAR, Somalia- Doorashada Aqalka hoose ee maamulka Hir-Shabelle ayaa waxaa maanta kusoo baxday Faadumo Faarax Ibraahim, oo wareegga labaad uga adkaatay Nadiifo Maxa'ed, oo ah Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka uu waqtiga ka dhamaadey iyo Wasiir hore.

Kursiga oo ahaa mid u gaar ah Haweenka, ayaa waxaa u tartamay 4 Musharax, waxaana Gudiga Doorashadu  Hir-Shabelle shaaciyay inay Faadumo Faarax ku guulkaystay kadib markii ay heshay 37 cod.

Nadiifo Maxa'ed oo ku hartay Wareegga Labaad ayaa heshay 14 Cod.

Faadumo Faarax ayaa ku guulaysatay Kursigii 31-aad oo kamid 37 Kursi oo Maamulka Hir-Shabeelle u matali doono Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, waxaana u haray maamulkaasi 6 Kursi oo kaliya.

Doorashada Aqalka hoose ayaa sidoo kale ka dhacaysa Magaalada Baydhobo, ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed, taasi oo maraysa Heer Gabo-gabo, kadib markii la doortay inta badan Kuraasta.

Kuraasta Baarlamaanka soo socdo ayaa noqday kuwii ugu qaalisanaa Taariikhda Somalia, kadib markii Kuraas lagu iibsaday lacag dhan 1.3 Million oo Dollar Doorashooyin ka dhacday Jowhar iyo Cadaado.

Musuq-maasuqa Doorashada ayaa gaarey heerkii ugu sareeyay, waxaana taasi ay keentay in Beesha Caalamka iyo QM ay Rajo xumo ka muujiyaan Hanaanka Doorashada Aqalka hoose ee Baarlamaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi: Hubkii Masar waxaa loo Adeegsaday Dagaal Sokeeye

Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli uu madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 12:18PM

Xiisad Kacsan oo Koonfur Galbeed ka Taagan iyo Ciidamada DFS oo Magaalo oo La Wareegay

Madaxweyne Laftagareen ayaa noqday hoggaamiye kale oo maamul goboleed oo hakiya xiriirka kala dhexeeya dowladda dhexe.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 08:01AM