HirShabelle oo ayiday baaqii Aqalka Sarre ee baarlamaanka Soomaaliya

Image

JOWHAR, HirShabelle - Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa taageeray baaqii guddiga joogtadda ah ee Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ee ku saabsanaa in ay maamuladda iyo xukuumadda ka heshiiyaan doorashooyinka.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu caddeeyay in ay diyaar u yihiin ka qeybgalka shir-madaxeedkaas oo loo muddeeyay kahor 25-ta bisha June ee sanadkan aynu ku jirno ee 2020-ka.

"Waxaan aaminsanahay in wadahadal iyo is-afgarad kaliya looga bixi karo xaaladaha na horyaala," ayaa la raaciyey qoraalka oo lagu xusay in Senate-ka uu metelo danaha dowlad goboleedyadda xubinta ka ah federaalka.

HirShabelle ayaa kamid ahayd maamuladii aadka ugu dhowaa Madaxtooyadda Soomaaliya. Balse, ma cadda hadii uu jiro ismaandhaaf hoose. Puntland iyo Jubbaland waxay kol hore soo dhaweeyeen go'aanka Aqalka Sare ee dalka.

Xisbiyadda mucaaraadka Soomaaliya ayaa dhankooda bogaadiyey, waxayna ugu yeereen gudoonka Golaha Shacabka in uu qaado mowqif noocaas ah isla markaana uusan xigsan dhanka Hay'adda Fulinta ama xukuumadda.

Sikastaba, madaxweynaha oo cadaadiska uu kusii kordhayo ayay haatan u muuqaneysaa in ay kusoo biyo shubatay isla markaana ay hortaalo shaqadda ugu badan oo ay ugu horeysay in uu ogolaado ama diido wadahadalkaas.

Farmaajo oo mudda xileedka uu gabaabsi ka yahay ayaa wajahaya eedeymo ku saabsan in uu doonayo muddo kororsi, isagoo qiil ka dhiganaya qabashada coddeyn qof iyo cod ah oo maamuladu ku adkeysteen in aysan qabsoomi karin.

Hoos ka akhriso qoraalka HirShabelle

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM